1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2025
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay in ay Bilaabatay diiwangelinta ururrada Dalka
 

Isniin, January 20, 2025 (HOL) - Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan oo maanta Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in In Guddiga si rasmi ah u bilaabay diwaangalinta ururrada siyaasadda iyo waafajinta Ururrada Siyaasadda ee hore loo diiwaan galiyay  xeerka cusub ee Ururrada laga bilaabo maanta oo ah 20 Janaayo 2025 waxaana ayna ku egtahay 31 Maarso ee sanadkaan.

Guddiga ayaa sheegay in Ururadii hore loo diiwan galiyay oo ilaa 100 gaaraya kaliya waxa ay buuxin doonaan Form ka Guddiga soo saareen ayna lamid noqon doonin kuwa cusub sidoo kale aan looga baahneen inay bixiyaan kharashaadka isdiiwaangelinta.

Kuwa Cusub ee doonaya inay isdiiwaan geliyaan ayaa waxaa horyaala inay kasoo gudbaan shuruudaha kala ah, codsiga diiwangelinta oo qoraal ah oo ururka soo sameesanayo, cadeeymo muujinaya qabsoomida shirweyne uu ururka qabsaday, ergada shirweynahaasi ka qeyb gashay iyo ururkaasi Dastuurka uu leeyahay ayaa muhiim u ah in la diiwaangeliyo waxaana usii dheer in ay khidmad lacageed oo isdiiwaangelin ah bixiyaan.

Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Guddiga uu bilaabi doono howlaha astaynta goobaha diiwaan galinta codbixiyaha ee guud ahaan dalka Sabtida soo socoto oo taariikhda ku began tahay 25 ka Bishaan.

Muran weyn ayaa ka dhashay Magacaabista Guddigaan, Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa horey u sheegay in marnaba aysan suurta gal ahayn in Guddi hal dhinac ah uu Doorasho ka qabto Soomaaliya.