1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2025
Farmaajo "Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ugu baaqayaa inuu dalka u horseedin qalalaase iyo dib u dhac Qaran”
 

Isniin, January 20, 2025 (HOL) - War saxaafadeed uu kasoo saaray siyaasadda guud ee dalka hadda uu maraayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku sheegay in Dalku uu galay marxalad siyaasadeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu yiri "Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay'adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay.".

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada ay yihiin hannaan ka dhexeeya hay'adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waxana uu eed kulul dusha uga tuuray in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waxaana uu ku tilmaamay tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.

"Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas'uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud." ayaa lagu yiri war saxafadeedka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku kala tago iyo hubanti la'aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqday Dowlad Goboleedyadda, madaxdii hore ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la'aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.