1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2025
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay heshiis Shaqo abuur oo ay lasoo gashay Sacuudiga
 

Isniin, January 20, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay heshiis shaqa abuur loogu sameynayo dhalinyarada oo ay dhawaan dowladda la gashay dalka Sacuudi Carabiya.

Wasiir Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in heshiiska ay lasoo saxiixdeen dowladda Sacuudiga inuu yahay mid ay ka faa’ideysan doonaan dhalinyarada leh xirfadaha kale duwan iyo waliba kuwa aan la hayn wax xirfad ah.

“Heshiiska dhinaca shaqada ee aan la galnay dowladda Sucuudiga waxaan rabnaa in dhallinyaradu aaminaan, waxay heli doonaan xaquuq dhameystiran, ayna si gaar ah dowlada ugu warqabi doonto iney si sax ah u helaan mushaarkooda iyo iney helin, taasoo qeyb ka ah heshiiskaan aan la galnay Sacuudiga" ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Yuusuf Maxamed Aadan

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale xusay in heshiiskan uu soo maray dhamaan habraacyadii loogu tala galay, islamarkaana dhallinyarada laga rabo iney aaminaan dowladooda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Yuusuf in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay qorshe ay ku dooneyso in lagu sharciyeeynaayo dadka Soomaaliyeed ee dalkaas sida sharci darada ah ku jooga dalka ee ka dhex shaqeysta.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa kusoo aadaya, iyadoo baraha bulshada marar badan lagu faafiyay warar sheegaya in dhalinyarada dalkaas horay dowladda u geysay in dowladda Sacuudiga aysan ula dhaqmin si wanaagsan, hayeeshee majiraan warar madax banaan oo cadeyna in xad gudub lagu sameeyay dhalinyaro shaqaale ahaan dowladda u geysay  dalkaas.