1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2025
Soomaaliya oo walaac xooggan ka Muujisay xaaladda Bini’aadantinimo ee Qaza
 

Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer uga walaacsan xaaladda sii xumaaneysa ee bini’aadantinimo ee ka taagan Qaza, iyadoo ku boorrisay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo wax ku ool ah oo lagu dhimayo dhibaatada dadka reer Falastiin.

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeesheen, ayuu si gaar ah ugu ammaanay kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen Qatar, Masar, iyo Mareykanka dhexdhexaadinta xabbad-joojinta.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheeegay in colaadda  Qaza ay sababtay khasaare naxdin leh oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo aan waxba galabsan, halka burbur xooggan uu soo gaaray kaabayaasha muhiimka ah sida isbitaallada iyo iskuullada.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday caalamka inay muujiyaan isku duubni, iyadoo adkaynaysa in loo baahan yahay xal waara oo la xiriira xaaladda Falastiin, si looga hortago dhibaatada sii socota ee saamaysay shacabka reer Qaza.