1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2025
Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhooweyay diiwangelibta Ururada Siyaasada Dalka
 

Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) oo Madaxweyne Xasan Sheekh hogaamiyo ayaa waxa uu soo dhaweeyay furitaanka "Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Dalka" ee uu shalay ku dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo ka mid ah Xisbiyada sida kumeel-gaarka ah u diiwaangashan, ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaar garow ballaaran oo dib loogu howlgelinayo, laguna dhammaystirayo shuruudaha uu tilmaamay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga UPD ayaa qoraal ay soo saareen kusheegeen in xalka mushkiladaha siyaasiga ee dalkeennu ay qayb ahaan ku jiraan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan, kaasi oo ay tilmaameen in fursad u siinayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilka dhallinyarada ah in ay si xor ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda iyo wakiilladooda siyaasadda ee heerarka kala duwan ee Dowladda.

Hadalka UPD waxa uu imaanayaa iyadoo Shalay ay Guddiga Doorashooyinka Federaalka ay bilaabeen diiwaangelinta ururada ka jira dalka kuwa cusub iyo kuwii hore ee la diiwaangeliyay.

Mucaaradka Dowladda ayaa dhankoodi ku adkeesanayaa inaysan dhici karin sida ay Dowladda wax kuwado ee ah in nidaamka doorashada Qof iyo Cod ah dalka laga qabto.