1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in Somaliland Ay Ka Mid Tahay Mulkiilayaasha Badda Cas
 

Talaado, January 21, 2025 (HOL) - Madaxwynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay xubin muhiim ah ka tahay Badda Cas, isla markaana ay mudantahay in lagala tashado arrimaha la xidhiidha.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay ra’yigeeda ka dhiibato miiska lagaga tashanayo arrimaha la xidhiidha amniga badda.

“Dalalka Badda Cas, dowladaha kulaalaya iyo quwadaha dunida ee danaynayaba, waxa aannu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay mulkiilayaasha ugu muhimsan ee Badda Cas, Sidaas awgeed, Aqoonsi la’aanta Somaliland, xalaal kama dhigayso in la innaga reebo arrimaha khuseeya amnigeeda" ayuu yidhi Cirro.

Xukuumadii hore ee Somaliland ayaa iyaduna sidan si la mid ah dhawr jeer uga hadashay in ka qaybgalkeeda shirarka Badda Cas ay Somaliland muhiim u tahay, isla markaana aan laga maarmi karin marka ay timaado amniga.

Xukuumada Somaliland ayaa maamusha 850 KM oo ka mid ah Badda Gacanka Cadmeed, iyada oo kaabiga ku haysa marinada muhiim ka ah ee ganacsiga.

Xukuumada Somaliland ayaa ku guulaysatay in ilaaliso amaanka biyaheeda, iyada oo budhcadbadeedu anay ka hawlgalin.