Jimco, January 24, 2025 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa si kulul u dhaleeceysay siyaasadaha Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, oo dhowaan xafiiska la wareegay.
Ilhaan Cumar ayaa ku tilmaantay tallaabooyinka uu Trump qaaday 48-kii saac ee ugu horreeyay kuwo ka tarjumaya aragti naceyb iyo dib u dhac horumarineed.
War-saxaafadeed ay soo saartay, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayay ku muujisay walaacyo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadaha Trump, oo ay ku jiraan qorshaha uu ku doonayo in dhalashada Mareykanka lagala laabto dadka ku dhasha dalka Maraykanka, joojinta barnaamijyada dib u dejinta qaxootiga, iyo tallaabooyin ay sheegtay inay uga sii darayaan dhibaatada isbeddelka cimilada adduunka.
“Ma cabsan doono. Waxaan difaaci doonaa bulshooyinkayada kala duwan ee soogalootiga,” ayay tiri Ilhaan Cumar, iyada oo si cad u ballanqaaday in ay ku adkeysan doonto difaaca xuquuqda dadka ay matasho.
Ilhan Cumar waxay carrabka ku adkeysay in siyaasadaha noocan ah ay ka dhigan yihiin dib u dhac ku yimid dadaallada horumarka iyo sinnaanta. Waxay u xaqiijisay xubnaha golaha, in Kutlada Horusocodku ay ka go’an tahay inay si adag uga hortagto siyaasadahaas, isla markaana ay sii wadi doonaan u doodista maamul caddaalad ah oo waara.