Jimco, January 24, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisa ay dhiseyso guddi sare ee Waxbarashada dalka.
Raysal wasaaraha ayaa hadalkaam ka sheegay munaasabadd loo qabtay Arday ka qalin jabisay Jaamacadda UPeace, wuxuuna balan qaaday in Xukuumaddiisa ay awooda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa heerarka kala duwam ee Waxbarashada.
“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha in waxbarashadda ay laf dhabar u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha kala duwan ee dowladda, islamarkaana loo baahan yahay ka miro dhalinta kor u qaadista in la helo aqoonyahano badan oo waxbartay oo hoggaamin kara shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Raysal wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeeyay Ardayda dhamaysatay Waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen iyo inay lagama maarmaan tahay iney uga faa’iideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.