1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2025
Soomaaliya oo si rasmi ah u aqbashay inay Itoobiya ku biirto howlgalka cusub ee AUSSOM
 

Jimco, January 3, 2025 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u tahay oo ay aqbashay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka xasilinta Soomaaliya ee AUSSOM.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso codsiga ku aaddan inay Itoobiya ku biiriso ciidamo cusub oo qeyb ka noqda howlgalka AUSSOM.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka dhalatay Booqasho ay Muqdisho ku tageen wafdi heer sare oo ka socday dowladda Itoobiya, kuwaas oo u tagay Muqdisho dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, iyadoo laga ambo qaadayo heshiiskii Ankara ee la saxiixay 11-kii December.

“Iyadoo la raacayo mabaadi'da Baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa sida ay uga go'an tahay xaqiijinta fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay u aragtaa in mabaadi'da heshiisyadaasi ay aasaas adag u yihiin kobcinta iskaashiga wax ku oolka ah ee u adeega danaha labada dhinac,” ayaa lagu yiri warkan dowladda Soomaaliya kasoo baxay.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadan u aragta mid lagu xoojinayo kalsoonida labada dhinac iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida.