2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 30, 2025
Puntland oo keensatay qalab ay kula dagaalamayso diyaaradaha qaraxyada ay kusoo xiraan kooxda Daacish
 

Khamiis, January 30, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtay inay keensadeen qalab casri ah oo ciidamada Puntland ay kula dagaalamayaan diyaaradaha drones-ka  oo ay qaraxyada ku xiraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad.

Madaxweyne Deni, ayaa hadalkan sheegay xilli uu maanta ku dhawaaqay bilaabista wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Deni waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay Puntland la timid qalab loogu talagalay ka hortagga waxyeelada miinooyinka, kuwaas oo uu sheegay in la gaarsiiyay furimaha hore ee ciidamada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ku ammaanay ciidamada Puntland inay yihiin geesiyaal gacmahooda ku qabanayay diyaarado qaraxyo lagusoo rakibay. Wuxuu sheegay in ciidamadu haatan ka baxeen daruufihii markii hore ay wajahayeen, isagoo sheegay in ay gaarsiiyeen qalab casri ah.

Kooxda Daacish ayaa si xeel dheer u adeegsata diyaarado drones ah oo qaraxyo lagu xiro iyo miinooyin ay ku aasaan goobaha dagaalka, taasoo horay khasaare ugu geysatay ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa fariin adag u diray dagaalamayaasha Daacish, isagoo sheegay in haddii aysan isdhiibin ay kala kulmi doonaan dagaal aan naxariis lahayn, kuna dambayn doonaan midkood in la dilo ama in la qabto.