Jimco, January 31, 2025 (HOL) - Waaxda dambi baarista ee Liibiya ayaa u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan 263 muhaajiriin si sharci-darro ah ku gashay dalkaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda wadamada Afrika, kuwaas oo ay sheegtay in ay gacanta ku hayeen koox wax tahriibisa, waxaana ay ku jireen xaalad bini’aadantinimo iyo caafimaad darro aad u daran ay ka jirtay degmada Ajkhara.
Mas’uulka xafiiska warbaahinta ee hay’adda Waliid Al-Carafi ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in laanta hay’adda ee Al-Wahat ay heshay xog muujinaysa jiritaanka bakhaar lagu hayo dadkaan sida sharci-darrada ah ku galay Libya waxaana si gaar ay ugu xabisnaayeen guri nasasho oo ku yaalla waddada Al-Nakhil.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Al-Carafi, baaris iyo dabagal ka dib, waxaa gacanta lagu soo dhigay laba ka mid ah kooxihii wax afduubtay, waxaana la sii daayey 263 tahriibayaal, kuwaas oo dhammaantood xaaladooda caafimaad aad u liidatay waxaana kamuuqday jirdilka loo geystay.
Afhayeenka Hay’adda ayaa ku micneeyay in Muhaajiriintan ay kasoo kala jeedaan dalal kala duwan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo kala ah Eritrea, Somalia iyo Ethiopia, waxaana la qafaashay waqtiyo kala duwan, lana geeyay guri lagu nasto.
Wuxuu sheegay in maxaabiista qaarkood ay halkaasi ku xirnaayeen muddo sideed bilood ah, iyadoo ay u sii dheer tahay in haween ay ku jiraan maxaabiista oo si joogta ah loogu kufsaday halka lagu haayay, mid ka mid ahna ay nafaqo darro ugu geeriyootay gudaha goobtii ay kuxirneeyd.
Al-Carafi ayaa xaqiijiyay in 25 qof oo tahriibayaal ah loo gudbiyay isbitaalka, xaaladooda caafimaad ay aad u liidato, iyadoo dhanka kale baaritaanada lagu bilaabay labada nin ee burcadda ah ee lasoo qabtay oo mid ka mid ah uu yahay mulkiilaha guriga nasashada ee loo isticmaalayay xabsi sharci darro.