2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2025
Muqdisho oo laga daah duray qorshaha sahminta goobaha diiwangelinta iyo Codbixinta Doorashooyinka


Jimco, January 31, 2025 (HOL) - Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u daahfuray qorshaha sahminta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta Doorashooyinka.

Gudoomiye Yabooh iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa isla gartay in sahmintaan lagu bilaabo Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in shacabka laga rabo inay u diyaar garoobaan inay doorashada ka qeyb galaan.

Sidoo kale sahminta Degmada Boondheere inta ay ku gudajireen waxa ay tageen iskuul Yaasiin Cismaan, waxaana ay qiimeeyeen suurtagalnimada inay tahay meel ay dadka ka codeen karaan waxaana kormeerka ku wehliyay Maamulka Degmada.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursad ah in ay codkooda dhiibtaan si ay u doortaan cida ay hogaankooda u dhiiban lahaayeen, taasi oo qeyb ka ah buu yiri fulinta howlaha loo igmaday hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inay bisha June ay bilaabayaan doorashada Golaha Degaanka oo guud ahaan dalka ay ka hirgalin doonaan ilaa 800 oo gooboodna loo asteeyay in codka laga dhiibto.