Jimco, January 31, 2025 (HOL) - Maamulka SSC Khaatumo ayaa sheegay inay khasaare culus gaadhsiiyeen ciidamada Somaliland, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shangeed.
Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo, Najiib Barkhadle, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay qabteen maxaabiis iyo tiro badan oo hub ah, oo u badan qoryo fudud.
"Dhabar-jab iyo khasaare ba’an, oo naf iyo maalba leh, ayaa loo geystay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Somaliland. Waxa laga qabtay hub badan, oo u badan qoryaha yaryar, tiradooduna gaadhayso 54 qori," ayuu yidhi Barkhadle.
Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Somaliland ay iyagu weerarka soo qaadeen, balse dib loogu celiyay deegaanka Qorilugud, iyagoo la gaadhsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
"Waxaanu u caddaynaynaa, haddii aan laga waantoobin xaalad-abuurka iyo nabadgalyo-xumada soo noqnoqotay, in ciidamada SSC Khaatumo aanay mar dambe u dulqaadan doonin weerarada lagu soo qaado fadhiisimadooda" ayuu hadalkiisa ku daray Barkhadle.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland aysan doonayn in nabad lagu wada noolaado, isla markaana ay dhibaato ku hayso dhammaan waddamada deriska la ah, sida Itoobiya.
Dhanka kale, ciidamada SSB ayaa soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada SSC Khaatumo, kaddib dagaalkii shalay dhexmaray labada dhinac.