Hiiraan Online
2/22/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2025
Soomaaliya iyo Japan oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga Amniga
Jimco, January 31, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan gaar ah kula yaeeshay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Japan ee Soomaaliya Matsuura Hiroshi.
Labada masuul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee ku aadan taageerada ay dowlada Japan siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta awooda hay’adaha amniga Soomaaliya.
Danjiraha dowladda Japan Matsuura Hiroshi ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay taageerada iyo garab istaaga dadaalada lagu xasilinayo Soomaaliya.
Danjire Matsuura Hiroshi ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka la taaban karo oo ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Japan taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo horumarka.
Ugu dambeyntii dowladda Japan waxay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyada kala duwan ee amniga, dhaqaalaha iyo horrumarinta adeegyada Bulshada.