2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2025
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Jimco, January 31, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano u dhaxeya Beera yabaal iyo Jiciboow oo hoostaga degmada Buula burte.

Dagaalka maanta ayaa lasoo warinaya inuu ahaa mid aad u xoogan oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaraya labada dhinac.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa HOL u sheegay in dagaalka maanta dhacay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay dagaalka ku dileen maleeshoyaad badan iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Dagaalka ayaa maanta ka dhacay dhul howd ah oo la tilmaamay in kooxdu ay ka sameysatay difaacyo adag, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in godadkii laga saaray Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee afartii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanada u dhaxeeya Beera yabaal iyo Jiciboow oo ku kala yaala laamiga iyo jiinka Wabiga Shabeelle waxaa ka socday dagaalo deegaanadaasi looga xureynaayo Al-shabaab.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Beera yabaal iyo Jiciboow, waxaasa la filaya in saacadaha soo socda war ka soo saarto.