1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 4 , 2025
Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka Hadlay Xaaladda Gasa

Sabti, January 4, 2025 (HOL) - Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si qoto dheer uga walaacsan tahay xaaladda ka taagan Gasa.

Abuukar Baalle oo warbixin ka jeedinayay fadhiga Qaramada Midoobay wuxuu ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha caafimaadka ee Gasa iyo bukaannada.

Wuxuu tilmaamay in 94% xarumihii caafimaadka ee Gasa la burburiyay, taasoo sii xumaysay xaaladda caafimaadka ee shacabka ku nool halkaas. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Israa’iil ay afduubteen Dr. Xussam Abuu Safiya, oo ah Agaasimaha Isbitaalka Kamaal Cadwaan, isbitaalka ugu weyn waqooyiga Gasa.

Abuukar Baalle wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Dr. Xussam Abuu Safiya, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka noocan ah ay halis gelinayaan nolosha dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay weerarrada iyo burburka ka socda Gasa inay u muuqdaan kuwo isir sifeyn ah iyo ciqaab wadareed ka dhan ah shacabka reer Falastiin.

Ergayga Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo tacaddiyada ka dhanka ah dadka ku sugan Gasa, si loo badbaadiyo nolosha kumannaan qof oo ku jira xaalad bani’aadannimo oo aad u adag.

Warkan kasoo baxay ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, labo maalin kaddib markii ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.