1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baledweyne u tagaya xal u helista tabashada reer Hiiraan ka qabaan Hirshabeelle
 

Arbaco, January 8, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ugu tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan siduu xal ugu heli lahaa tabashada dadka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Baledweyne oo haatan ay ku sugan yihiin mudo dhowr cisho ah masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in halkaas la dhigayo gogol uu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhageysanayo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan hanaanka awood qeybsiga Hirshabeelle mudo ku dhaw 10 sano.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey oo ka mid ah Xildbibaanada deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Odayaasha reer Hiiraan inuu fariin ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayna u diyaar garoobaan wadahadalo ku aadan tabashadooda.

Xildhibaan Gureey ayaa xusay inaanay suuragal noqon karin in siyaasad ahaan la kala qeybsamo iyadoo la heli karo xal waara oo laga gaari karo tabashooyinka soo taagnaa tan iyo markii la dhisay maamulka Hirshabeelle.

“Farriin aan Madaxweynaha kasoo qaadnay aaya ah in Amniga Dowladda lagu wareejiyo oo gogol la dhigo Baledweyne, wixii jira in laga hadlo oo lagu saxo, Dowladda Federaalka yaan gorgortan la gelin ee amniga halagu wareejiyo, labo jeer ayaan Madaxweynaha la fadhiisanay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galinkii dambe Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka ay amniga guud ee magaalada Baledweyne ku wareejiyeen gacanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya, si meesha looga saaro is qabqabsiga u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo xaalad jahwareer ah galiyay mudooyinkii dambe magaalada Baledweyne.