Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2025
Dowladda Imaaraadka Carabta oo Hay'adda SODMA ku wareejisay deeq gargaar ah
Arbaco, January 8, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta deeq raashin ah oo gaaraysa 700 oo tan kala wareegay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al-Rumaithi.
Deeqdaan ayaa la sheegay iney tahay mid loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha dalka ka jira sida daran u saameeyeen, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta ahaa.
Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 300 oo tan oo ka mid ah deeqdaan iney u gudbiyeen magaalada Kismaayo, halka 200 oo tan sidoo kale u gudbiyeen magaalada Boosaaso si loogu qeybiyo dadka ku nool magaalooyinkaas iyo deegaanada ku dhadhaw.
Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in 200 oo tan ee hartay la gaarsiin doono deegaanada xaaladaha adag ka jiraan ee dhulka loo marsiin karo gargaarka.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad celiyay deeqda gargaarka ah iyo taageerada mudada dheer ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.