1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2025
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya oo kulamo xasaasi ah ka wada Baledweyne

Arbaco, January 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta kulan kula qaatay gudaha magaalada Baledweyne qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa kala hadlay Odayaasha beelaha kala duwan ee dega gobolka Hiiraan iney ka qeyb qaataan dadaalada dowladda Fedaraalka ay ou dooneyso iney ku hagaajiso amaanka guud ee Baledweyne.

"Waxaa naga go'an inaan si wadajir ah u soo celino amniga magaalada Baledweyne, dhamaan beelaha dagan magaaladan waa iney si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan oo ay dowladda kala shaqeyaan soo celinta iyo hagaajinta amniga Beledweyne, Odayaashii kale ee idinka horeeyay waan isla garanay arintaas  adinkana go'aan kaas inaad nala qaadataan ayaan rabna" ayuu yiri Wasiidka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Qaar ka mid ah Odayaasha kulanka la qaatay Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay iney diyaar u yihiin talaabo kasta oo dowladda Fedaraalka wax uga qabaneyso xaaladaha cakiran ee ka jira Baledweyne.

"Wasiir waan kaga mahadcelineyna kulankaan Wasiiro ka horeeyay way imaan jireen lakiim wasiir wadajirka reer Hiiraan inagala hadla oo inoo yeera manan arkin adiga u horeeya hadad dib iska badali doonin, waana soo dhaweyneyna wax walba oo horumar u ah gobolkaan iyo wadajirkiisa" ayuu yiri mid ka mid ah Odayaashii kulanka ka hadlay.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii ugu dambeeyay uu Baledweyne ka waday Wasiirka Batroolka Soomaaliya kulamo ku aadan sidii dowladda Fedaraalka ay xal waara ugu heli laheyd falalka amaan daro ee ka taagnaa waayahii dambe magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.