1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2025
Kalluumaysato Reer Somaliland Ah oo La Waayay Bil Ka Hor, oo Hadda Laga Helay Xeebaha Jabuuti
 

Khamiis, January 9, 2025 (HOL) - Saddex nin oo kalluumaysato reer Somaliland ah oo la waayay bil ka hor kadib markii ay badda ku lumeen ayaa hadda laga helay xeebaha dalka Jabuuti iyaga oo badqaba.

Kalluumaysatadan ayaa 29 cisho ka hor ah la waayay kadib markii ay ciladdi ku timid doonni ay wateen, isla markaana ay awoodi waayeen inay dib ugu soo noqdaan xeebaha magaalada Berbera oo ay ka baxeen, sida uu BBC Somali u sheegay Khadar Ibrahin Cabdillaahi, oo ka mid ah saddexda kalluumaysatada ah.

"6, 12, 2024, ayaanu ka baxnay magaalada Berbera, cilad ayaa nagu timid xagga laashka ah, baytariga ayaa naga dhacay, kadib waanu cadilanay, muddo 29 cisho ah ayaanu sabaynaynay," ayuu yidhi Khadar.

Waxa uu sheegay in kadib ciladda ku timid baytariga doonnida ay wateen ay awoodi waayeen inay u dhaqaaqaan jihada ay iyagu rabaan, oo ay dabayshu maamulaysay. "Marka aad sabaynayso isma maamuli karaysid, dabaylaha ayaa ku maamulaya," ayuu Khadar hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Jabuuti ay la kulmeen iyaga oo badda sabaynaya, kadibna ay soo badbaadiyeen, isla markaana ay u fidiyeen gargaar caafimaad, ayna u cilad saareen doonnidii ay wateen.

Kooxdan kalluumaysatada ah ayaa BBC Somali u sheegay in kadib soo dhawayn ay ka heleen Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Jabuuti, loo balanqaaday in dib loogu soo celin doono Somaliland.