3/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2025
Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo ku biiraya dagaalka ka dhanka ah Al shabaab
 

Isniin, Maarso 17, 2025 (HOL) - Cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhaqan ahaan u xilsaaran ilaalinta Maxaabiista ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la geeyey gobollada Shabeellooyinka si ay u taageeraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta G/sare Mahad C/raxmaan ayaa ka hor inta aan la soo daabulin Ciidamada waxa uu kula dar daarmay in ay si wacan u gutaan waajibaadkoodi oo ay xajistaan furimaha dagaalka marka ay iska horyimaadan Kooxda Al shabaab.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashada dadaallada sugidda amniga qaranka, inkastoo waajibaadkooda koowaad ay tahay ilaalinta xabsiyada iyo maamulkoodi.

Si kastaba ha ahaatee, dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa walaac ka muujinaya waxtarka ciidamadan, iyagoo xusay in ciidamadan aysan lahayn tababar ciidan oo rasmi ah gaar ahaan sida la daagalaanka Kooxaha Argagexisada.

Qaar kamid ah askartaan oo warbaahinta qaar kood la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay gutaan waajibaadka ay u dhaarteen inay Qaranka Difaacaan ayna tagi doonaan jiidaha hore ee dagaalka si ay Al shabaab ula dagaalamaan.

Dagaalka lagula jiro Kooxaha argagexisada sida Al shabaab iyo Daacish waxaa ka qeyb qaadanaya inta ugu badan ciidamo military oo ay tababareen Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga kuwaasi oo haysta tababar aad u sareeya oo ay kula dagaalamaan Kooxahaani.