More Articles
Axad, September, 4, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay abaabulayso qabaa’ilada Soomaaliyeed oo ay ogyihiin qabiilo heshiis kula galay dagaalka Alshabaab.
Warkii oo dhan
Sabti, September, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Xalay Al-shabaab ka geysteen deegaanka Afar irdood oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhinaca Koonfur Bari ilaa 35 KM, isagoona uga tacsiyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen.
Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dowladda federalku colaad kala dhaxeyso dowlad goboleedyada.
Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Todobo qof oo isku qoys ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Hoobiye saakay aroortii ku dhacay gurigooda oo ku yaala degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.
Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Nin ayaa ku dhintay xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargaysa, kadib markii uu dab is qabadsiiyay, sida Ciidanka Dab-damiska Somaliland sheegay.
Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa joojiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.