More Articles
Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Dagaal aad u xoogan oo aan waxba la isku reeban ayaa galabta ka qarxay deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag, kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.
Warkii oo dhan
Isniin, December, 16, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo booqan doona dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjaray xiisaddii qaraarneyd ee labada dal u dhaxeeysay sida uu ku yiri qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa X.
Axad, December, 15, 2024 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaaciyay iney xireen in ka badan 12 kun Akoon oo kooxda Al-shabaab u adeegsan jireen faafinta wararka been abuurka ah.
Sabti, December, 14, 2024 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay 28 wasiir, 16 wasiir ku xigeen iyo 3 wasiir u duule oo kamid noqon doono golaha fulinta ee xukuumada cusub ee Somaliland, ee uu gadhwadeenka kayahay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xuntahay dagaaladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa mid murugo leh oo laga baaqsan karay dagaal dhex mara dhalinyaro Soomaaliyeed.
Khamiis, December, 12, 2024 (HOL) - Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaa oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga, waa markii ugu horeeysay tan iyo markii ay Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland oo ay madaxda labada Dowladood ay waji ka waji ay isku hor fadhiistaan ayna uga wada hadlaan khilaafkoodi.